Templates by BIGtheme NET

Ra,iisul wasaaraha Itoobiya oo ku baaqay in la joojiyo colaada somalida iyo Oromada.

Adis ababa(Raascawad Meida)_Ra,iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ugu baaqay qowmiyahada oromada iyo soomaalida ee dalka Itoobiyaha in ay joojiyaan colaada iyo dagaalada si loo baajiyo dhiig mar kale halkaasi ku data.

Mr Desalegn ayaa xusay in dagaalkii dhawaan halkaasi ka dhacay uu sababay dhimashada dad fara badan oo isagu jira oromo iyo soomaaliya sidoo kalena ay ku barakaceen kumanaan ruux oo rayid ah

Ra,iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowlada federaalka ee dalka Itoobiya ay ciidamo gaar ah u dirtay deegaanada ay dagaalada ka dhaceen si looga hortago in mar kale ay labada dhinac ay halkaasi ku dagaalamaan.

Ciidamada halkaasi la geeyay ayaa xiray dhamaan wadooyinka deeganada lagu dagaalamay si loo xaqiijiyo dhinaca sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalka itoobiya

Mr desalegn ayaa dhawaan kulan gaar ahaan magaalada Adis ababa xarunta dalkaasi kulan kula yeeshay odayaal ka kala socday qowmiyadaha oromada iyo somalida ee dirirtu ay dhexmartay

Sidoo kale ayaa waxaa deegaanada lagu dagaalamay loo diray gudi ka socda ururka xuquuqda aadanaha ee dalka itoobiya si baaritaano loogu sameeyo gabood faladii halkaasi ka dhacay.

Dagaalkii dhawaan ka dhacay dalka itoobiya ayaa sababay dhimashada ilaa iyo 50 ruux oo ah somalida itoobiya

 

265 total views, 1 views today

Total Views: 213 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful