Templates by BIGtheme NET

Madaxweynaha somaliya oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Hirshabeele

Muqdisho(Raascawad)_Madaxweynha dowlada federaalka ah ee somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeele ee dhawaan doorashada ku guuleysay Maxamed Cabdi Waare

Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyeya hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirshabelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

““Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.

 

 

1,066 total views, 1 views today

Total Views: 1041 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful