Templates by BIGtheme NET

Haweeneydi ugu da,da wayneyd caalamka oo geeriyootay

Muqdisho(Raascawad Media)_Ruuxii ugu da,ada weynaa caalamka ayaa dhawaan geeriyooday,waxaana ay ahayd haweeney lagu magacaabi jiray Violet Mosse Brown oo u dhalatay dalka Jamaica waxaana jirtay 117 sanno.

Violet Mosse Brown aya shalay duhurkii ku geeriyootay dalka jameynka waxaana ay mudo dheer ka shaqeynaysay beeraha qasabka ee ku yaala dalka jameyka ee bartamaha ameerika.

Haweeneydaasi ayaa sanadkii 2015kii noqotay ruuxa ugu da,ada weyn caalamka kadib markii ay ka guuleysatay Emma Morano oo u dhalatay dalka talyaaniga taasoo dhalatay sanadkii 1899.

Mosse brown ayaa dhalatay sanadkii 1900 waana hooyo dhashay lix caruur,waxaana inta badan nolosheeda ay ku soo qaadatay waqooyi galbeed ee dalka jameyka.

Haweenaydaasi ayaa mar la wareystay waxaa ay sheegtay in ay sii aad ah u jeceshahay cunista qudaarta iyo miraha kala duwan

Ra,iisul wasaaraha dalka jameyka ayaa ka tacsiyey geerida Violet Mosse Brown oo ahayd haweeydii ugu da,da weyneyd dunida,waxaa sidoo kale geerideeda ka naxay dadka u dhashay dalkaasi jameyka.

 

728 total views, 1 views today

Total Views: 696 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful