Templates by BIGtheme NET

Qaramada midoobay oo ku baaqday in somaliya laga taageero  xoojinta ammaanka

Muqdisho(Raascawad)_Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee somaliya Micheal Keatin ayaa beesha caalamka ugu baaqay in la dardar geliyo amniga iyo xasiloonida somaliya.

Mr Keating oo isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho warbixin siinayey golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid wanaagsan balse alshabaab ay weli meelo ka mid ah dalka ku hayaan weeraro xoogan.

Wakiilada qaramada midoobay ee somaliya Micheal Keating ayaa xusay in taageerada beesha caalamka ay muhiim u tahay ammaanka dalka oo ka soo kabsanaya colaado iyo dagaalo.

Mr Keating ayaa hoosta ka xariiqay in haddii dhaqaale ku filan loo helo ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM horumar fiican laga sameyn karo xasiloonida dalka.

Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika iyo kuwa dowladda federaalka ah ee somaliya ayaa waxaa dagaal xoogan ay kula jiraan alshabaab oo weli gacanta ku hayo deegaan badan oo ka tirsan koofurta iyo bartamaha somaliya

Ugu dambeyn ayaa waxaa mr Keating uu sheegay in ay sii wadi doonaan taageero la siiyo ciidamada ammaanka ee somaliya oo uu tilmaamay in ugu dambeyn ay la wareegi doonaan mas,uuliyada amniga dalka.

 

 

999 total views, 9 views today

Total Views: 963 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful