Templates by BIGtheme NET

Qaramada midoobay iyo mareykanka oo ka tacsiyey geerida wariye Cabdulahi Cismaan

Muqdisho(Raascawad Media)_Qaramada midoobay iyo dowladda mareykanka ayaa ka tacsiiyey geerida wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo dhawaan u geeriyooday dhaawac ka soo qarax ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Safaaradada mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxaa wax laga xumaado ay ku tilmaantay dhimashada allahaa u naxariiste wariyey Cabdulahi Cismaan oo ka howl galyey telefishinka Jubbaland iyo idaacada codka Hiiraan.

“dowladda mareykanka ayaa waxaa ay si kulul u cambaareynaysaa weerarada qaraxyada ah ee alshabaab ay la bartilmaameedsadaan shacabka soomaaliyeed”sidaasi waxaa lagu sheegay warka qoraalka ah ka soo baxay safaarada mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Dowlada mareykanka ayaa sidoo kale wariyayaasha soomaaliyed ku bogaadisay howlaha dhinaca warbaahinta ee ay u hayaan shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa dhimashada suxufigaasi ka tacsiyey howl galka qaramada midoobay ee somaliya ee UNSOM oo ku tilmaamay in ay ahayd geeri xanuun badan.

Allaha u naxariistee wariye Cabdulahi Cismaan macalin oo u geeriyooday dhaawac helis oo ka soo gaaray weerar is qarxin oo alshabaab axadii la soo dhaafay ay ku qaadeen magaalada Beledweyne

 

 

936 total views, 9 views today

Total Views: 873 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful