Cadaado(Raascawad Media)_Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa weerar ku qaaday kooxo maleeshiyo ah oo jidgooyo ay u taalay duleedka magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaasi
Waxaana halkaas ka dhacay Iska hor’imaad u dhexeeyay Ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyaadkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug.
Guddoomiyaha dhalinyarada deegaanka Godinlabe Cabdiqaadir Xirsi ayaa sheegay in Isbaarooyin hor leh ay deegaankaasi soo dhigteen maleeshiyaad hubeysan, islamarkaana maanta Ciidamada Galmudug ay ka qaadeen halkaas, kadib markii weerar xoogan ay ku qaadeen Maleeshiyada jid gooyada soo dhigtay.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Galmudug ay ku guuleysteen in ay qaadaan jid gooyooyinkaas islamarkaana ay fariisimo cusub ay ka sameyteen deegaanka.
Ciidamada maamulka Galmudug ayaa dhowr jeer sidaan oo kale ugu guuuleystay in ay ka qaadaan Isbaarooyin sharci darro ah oo la soo dhigo deegaanada Maamulkaas.
1,143 total views, 9 views today