Templates by BIGtheme NET

Ciidamada ammaanka Kenya oo burburiyey fariisimo alshabaab ay ku lahaayeen keymaha boni

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay burburiyeen saddex fariisin oo dagaalyahan ka tirsan alshabaab ay ku lahaayeen keymaha bobi gaar ahaan galbeedka magaalada Lamu.

Madaxa howl galka keymaha Boni Joseph Kanyiri oo ka hadlayey kulan ku saabsan dhinaca amniga ayaa sheegay in burburinta fariisamaha alshabaab ay fuliyeen ciidamada malateriga iyo kuwa booliiska ee dalkaasi.

Mr kanyiri ayaa xusay in goobahaasi ay alshabaab ka soo qaadi jireen oo weeraro qorsheyn oo ay la bartilmaameedsadaan gadiidka u safra magaalo xeebeeka Lamu ee dalka Kenya.

Alshabaab ayaa waxaa dhawaan wadadaasi ay ku dileen dad rayid oo ka mid rakaab gadiid halkaasi ku safrayey.

Joseph Kanyiri ayaa sheegay in burburinta fariisamada alshabaab ee keymaha boni ay kor u qaadi doonto amniga iyo xisiloonida deegaanadaasi oo ay hore ammaan ugu jirtay.

Alshabaab ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyey weeraro ay ku qaadaan deegaano ka tirsan magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya

 

 

783 total views, 9 views today

Total Views: 747 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful