Templates by BIGtheme NET

Ku dhawaad 200 askari oo ka baxsday dagaalkii Baladxaawo oo gaaray Mandera.

Mandera(Raascawad Media)_In ka badan 180 askari oo ka tirsan ciidamada malateriga ee soomaaliya oo ka baxsaday dagaalkii xooganaa ee ka dhacay magaalada Beledxaawo ayaa gaaray magaalada mandera ee dalka Kenya sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada Kenya.

Xiriirayaha gobalka waqooyi bari bari ee dalka Kenya maxamuud saalax ayaa xaqiijiyey in ciidamadaasi ay ka soo talaabeen xadka kadib markii fariisimadooda ay kala wareegeen dagaalyahan ka tirsan alshabaab oo waaberigii hore ee saakay weerar ku qaaday magaalada Beledxaawo.

Mr Saalax ayaa xusay in ciidamadaasi markii ay soo galayeen magaalada Mandera hubka laga dhigay isagoo intaa ku daray in ay dhamaantood nabad qabaan isla markaan ay u gurmad ciidamada malateriga ee dalka Kenya.

Maamulka magaalada Mandera ayaa xusay in isbitaalka magaalada Mandera xilligan lagu daweynayo dad shacab ah iyo ciidamada ka tirsan dowlada somaliya oo ku dhaawacmay dagaalkii saakay.

Xiriiriyaha gobalka waqooyi bari Maxamuud Saalax ayaa intaasi ku daray in 180 askari ee usoo baxday dhinaca magaalada Mandera dib loogu celin doono magaalada Beledxaawo kadib markii halkaasi ay ka baxeen dagaalyahanadii alshabaab ee weerarka ku soo qaaday.

 

 

 

315 total views, 3 views today

Total Views: 294 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful