Templates by BIGtheme NET

Qaramada midoobay iyo midowga afrika oo ka wada hadlay howlaha gargaarka mustaqbalka somaliya.

Muqdisho(Raascawad Media)_Howl galka midowga afrika ee somaliya ee AMISOM iyo qaramada midoobay ayaa ka dooday ayaaha howl galada la xiriira dhinaca gargaarka bani,aadinimo iyo in si deg deg looga jawaabo musaabooyinka arimaha ban,aadinimada ee somaliya.

Kulan ayaa magaalada muqdisho ku yeesheen saraakiil ka kala soctay midowg afrika iyo xafiiska isku howlaha gargaarka ee somaliya ayey si wey kaga hadleen qaabka gargaarka loo gaarsiin karo dadka ay saameyeen musiibooyinka ka dhacay somaliya gaar ahaan abaaraha.

Ku xigeen wakiilka midowga afrika ee somaliya Simon Mulongo ayaa xusay in xiriirka AMISOM hay,adaha samafalka u horseeday in gargaar la gaarsiiyo dad badan oo gargaar kuwaasoo badan ku sugnaa goobaha ay colaadaha ka jiraan koofurta somaliya.

Mr Simon ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan uu ka soo hagaagayo barnaamijyada lagu gargaarayo dadka taabeysan ee u baahan dhinaca kaalmada bani,aadinimo ee somaliya.

Madaxa xafiiska isku howl gargaarka qaramada midoobay ee UNOCHA Just Brady ayaa sheegay in iskaashiga howgalka midowga afirka iyo hay,adaha gargaarka uu door weyn ka qaatay in gargaar ay heleen kumanaan qoysas oo ay adkeyd in ay gargaar la gaarsiiyo.

Qaramada midoobay ayaa sanadihii la soo dhaafay waday dadaalo xoogan oo gargaar lagu gaarsiinayo dad badan oo ay saameyn daran ku yeelatay abaarti ku dhuftay somaliya kuwaasoo badan ku dhaqan koofurta iyo bartamaha dalka

 

.

 

81 total views, 1 views today

Total Views: 78 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful