Templates by BIGtheme NET

Maxkamad ku taala mareykanka oo xukun ku riday muwaadin lagu eedeyay inuu ka tirsanaa alshabaab

Maryland(Raascawad Media)_Maxkamada ku taala dalka mareykanka ayaa xukun ku riday muwaadin mareykan ah oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa xarakada alshabaab ee ka dagaalanta dalka somaliya

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Maalik Alim Jones 00 32 jir ah, uu taageero maaliyadeed u fidin jiray Al Shabaab.

Jones ayaa qirtay in intii uu ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab uu adeegsan jiray qoriga loo yaqaan AK47, xiligiisi tababarka iyo dagaalada uu ka qeyb qaadanayay.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay in uu ogyahay in falalka uu ku kacay ay ka hor imaanayan sharciga u yaal mareykanka uuna door bidayo in laga qafiifiyo ciqaabta, ka hor inta uusan ka soo hor muuqan garsoorka Dalkaasi.

Maalik ALIM Jones, ayaa loo badinayaa in uu wajihi doono xabsi daa’in, wax ayna waaxda Cadaaladda ee Mareykanka ay xaqiijisay in uusan racfaan ka qaadan Karin wax ka yar 50 Sano hadii lagu xukumo.

Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale xukunno ugu riday muwaadiniin heysta dhalashada Dalkiisa, kuwaas oo ku eedeysan taageerada Xarakada Al Shabaab, iyo in ay ka mid noqdeen.

 

 

567 total views, 9 views today

Total Views: 567 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful