Templates by BIGtheme NET

Dowlada mareykanka oo sheegtay in ay kordhineyso weerarada ka dhanka ah alshabaab

Nairobi(Raascawad Media)_Dowladda mareykanka ayaa sheegtay in Somalia iyo dalalka afrikada bari in ay ka taageereyso la dagaalanka xarakada alshabaab ee ka dirirta somaliya iyo qaar ka mid ah dalalka gobalka.

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka mareykanka ayaa xusay in alshabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan danaha mareykanka ee bariga afrika iyo dalalka uu saaxiibka la,yahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowlada mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada mareykanka ay wadi doonaan la dagaalanka alshabaab isla markaana ay sugi doonaan amniga muwaadiniintooda

Dowlada mareykanka ayaa intaasi ku dartay in ay sare u qaadi doonto taageerada ay siiyaan ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika iyo kuwa dowladda federaalka ah ee somaliya si la isaga kaashaado weeraro lagu qaado xarumaha ay tababarada ku qaataan alshabaab

Mareykanka ayaa howl galkii u dambeeyay ee uu ka sameeyay somaliya ayaa waxaa uu ku sheegtay in diyaaradihiisa dagaalka ay koofurta somaliya ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan xarakada alshabaab

 

738 total views, 9 views today

Total Views: 720 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful