Buur hakaba(Raascawad Media)_Wararka laga helayo degmada Buur hakaba ee gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowlada somaliya iyo kuwa nabada ilaalinta midowga afrika ay alshabaab ka qabsadeen deegaanka dhinaca galbeed ka xiga Buur hakaba.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Buur hakaba Maxamed Xasan Fiidow ayaa warbaahinta u sheegay in deegaankaasi ay kula wareegay iska hor imaad kooban oo dhex maray iyaga iyo alshabaab.
Mr Fiidow ayaa intaasi ku daray in deegaankaasi ay haatan si buuxda u maamulayaan isagoo intaa ku daray in alshabaab ay halkaasi isaga carareen.
Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka halkaasi ku dhex maray ciidamada dowlada,kuwa AMISOM iyo alshabaab
1,377 total views, 9 views today
Total Views: 1323 ,