Templates by BIGtheme NET

Alshabaab oo burbureyey xarunta isgaarsiinta ee Mander

Mandera(Raascawad Media)_Rag lagu tuhmay in ay ka tirsanyihiin xarakada alshabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday xarunta isgaarsiinta ee magaalada Daba oo ka tirsan mandera ee gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Mandera ayaa sheegay in weerarkaasi aysan jirin cid wax ku noqotay balse waxaa ay sheegeen in ay gubeen siimanka isgaarsiinta.

Booliiska deegaanka Daba ee gobalka waqooyi bari ayaa sheegay in dagaalyahanada alshabaab ay baxsadeen kadib marki ay gubeen xarunta isgaarsiinta.

Weerarkaasi gaadmada ah ayaa imaanaya kadib markii dagaalyahano ka tirsan alshabaab ay labo maalin ka hore deegaanka Damasa ee gobalka waqooyi bari ku dileen labo askari oo ka tirsan ciidamada malateriga ee dalka kenya

 

 

131 total views, 1 views today

Total Views: 126 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful