Templates by BIGtheme NET

Ciidamo ka tirsan malateriga Kenya oo lagu dilay magaaladda Mandera

Mandera(Raascawad Media)_Labo askari oo ka tirsan ciidamada malateriga ee dalka Kenya ayaa geeriyootay saddex kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaarigii ay la socdeen uu qarax xoogan ku haleelay deegaanka Lafey oo ka tirsan degmada Mandera ee gobalka waqooyi bari.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka Kenya oo ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen dagaalyahano ka tirsan xarakada alshabaab.

Askarta ku dhaawactay qaraxaasi ayaa loola cararay isbitaal iyadoo lagu soo waramayo in qaar ka mid ah xaaladooda caafimaad ay halis ku jirto.

Xiriiriyaha amniga ee gobalka waqooyi bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay inuusan faahfaahin buuxda ka helin qaraxaasi balse waxaa uu xusay in rasaas ay is weydaarsadeen ciidamada Kenya ee qaraxa ka badbaaday iyo dagaalamayaasha alshabaab.

In ka badan 50 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay gudaha dalkaasi ilaa iyo bishii may ee sanadkan weeraradaasi oo dhamaantood ay gaysteen alshabaab

 

145 total views, 1 views today

Total Views: 142 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful