Mumbai(Raascawad Media)_Maxkamad ku taala magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa xukun xabsi ah oo gaaraya todobo sanno ku riday ilaa iyo 26 burcad badeed Somalia ah oo hore ugu xirnaa dalka Hindiya.
Burcadeeda somalida ah ee lagu riday xukunka xabsiga ah ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerar sanadkii 2011 lagu qaaday markab ganacsi oo laga lahaa dalka Hindiya
Mid ka mid ah ragga lagu riday xukunka ayaa la sheegay in loola cararay isbitaal ku yaala dalkaasi kadib markii la sheegay inuu neef qaba timoobay,
Dhawaan ayaa waxaa wasiirka arimaha dibadda ee dowlada Somaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ay tageen dalka Hindiya iyagoo dowlada dalkaasi kala hadlay soo deynta 120 burcad badeed somali ah oo ku xiran dalkaasi kuwaasi lagu eedeeyay in ay weeraro ku qaadeen maraakiib laga lahaa dalka Hindiya
111 total views, 1 views today