Mahadaay(Raascawad Media)_Wararka laga helaayo degmada Mahaadaay ee gobalka shabeelada dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowlada somaliya iyo kuwa Amisom ay duqeeyeen xarun ay ku sugnaayeen alshabaab.
Saraakiisha dowlada somaliya ayaa xaqiijiyey in howl galkaasi duqeynta ah uu ka dhacay deegaanka Cali fooldheere oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobalka shabeelada dhexe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu u jiro qasaare dhimasho oo soo gaaray xubno ka tirsan xarakada alshabaab.
Weerarkaasi ayaanan la ogeyn tiradada rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac ee alshabaab duqeyntaasi ka soo gaaray
133 total views, 1 views today
Total Views: 133 ,