Templates by BIGtheme NET

Dowladda Norway oo aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga

 

Muqdisho(Raascawad Media)_Dowladda Norway ayaa sheegay in ay si rasmi ah u aqoonsaneyso baasaboorka somaliya gaar ahaan nuuca diblomaatiga sida uuu sheegay agaasimaha hay,ada socdaalka iyo jinsiyadaha ee somaliya Maxamed Aadan Koofi

“Baasaboorkiina waa baasaboor electronic ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay cida mas’uul ka tahay ayaan u sharaxney waana nala qaateen, waxaana rajeynaynaa in ay imaan doonaan Soomaaliya sanadkan qolyo u qaabilsan aqoonsiga documentiyada kadibna ay qiimeyn ku sameyn doonaan,” ayuu yiri Koofi.

Maxamed Aadan Koofi, agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ka codsaday madaxda dowladda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee heysta baasaboorada ajnabiga ah in ay qaataan baasaboorka Soomaliga marka ay dalka ka dhoofeyaan oo ay ka qeybgalayaan shirarka caalamiga ah.

“Si baasaboorka micino iyo qiimo u yeesho in qofka Soomaaliga ah ee madaxda ah in uu baasaboorka Soomaaliga ah uu qaato marka uu shaqada dowladda uu hayo,” ayuu mar kale sheegay Koofi.

Agaasimaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa uu safari ku tagay qaar ka mid ah dalalka  qaaradda Yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen baasaboorka Soomaliga.

1,161 total views, 18 views today

Total Views: 1143 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful