Templates by BIGtheme NET

Warqaddii Mareykanka ay ku daadiyeen Jubbada Dhexe oo la helay (Aqri wixii ku qornaa)

Diyaarado laga leeyahay dalka mareekanka  ayaa xalay waraaqo digniin ah ku daadiyey Degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo ka tirsan Gobolka Jubbadda dhexe.

Waraaqaha ay diyaaradaan daalisay ayaa la sheegay inay ku qornaayeen digniino ku socdo ururka Al-Shabaab oo ku sugan qeyb kamid ah halkaas, waxayna illo wareedyo lagu kalsoonaan karo sheegayaan  in xalay fiidkii diyaaradahan mar kaliya  lagu arkay hawada Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame oo ah Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab, aadna ay ugu xoog badan yihiin, midaasna ay cabsi weyn ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Digniinta ku qornaa waraaqahaan ayaa ahaa inay Al-Shabaabka ku sugan deegaanadaas isku soo dhiibaan muddo laba bil ah haddii kale ay la kulmi doonaan dagaal adag oo dhibato kasoo gaari doonto.

Dadka ku nool Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame iyo sidoo kale dagaalyahanada Shabaabka ka tirsan ee warqadahaasi akhristay ayaa lasoo sheegayaa inay dareemeen cabsi weyn oo kaga imaan karto digniinta la daadiyey, waxayna bulshada halkaas ku nool ku seexatay xalay cabsi aan horey Magaalooyinkaas uga jirin.

605 total views, 1 views today

Total Views: 605 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful