Templates by BIGtheme NET

Sarkaal Al-Shabaab ka tirsanaa oo laga soo Qabtay Muqdisho,

Howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada NISA ka fuliyeen xaafado ka mid ah Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidamadaasi,

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa qeybta Amniyaadka ee Xarakada Al-Shabaab sida ay Saraakiishu sheegeen waxaana uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo markii la soo qabtay sheegay inuu kol hore isaga baxay Al-Shabaab,

Ciidamada ayaa Wiilkan dhalinyarada ah ka soo qabtay Guri uu kaga sugnaa Degmada wadajir halkaasi oo uu sheegay inuu degen yahay mudo ka badan 8-bilood isla markaasina uusan waxba kala socon Qorshe yaasha Al-Shabaab ee Muqdisho,

Howlgalka qorsheysanaa oo ay Ciidamada NISA ka fuliyeen xaafado ka mid ah Degmada Wadajir ayaa lagu soo qabtay ku dhawaad 1,000 dhalnyaro ah oo laga shakiyay inkastoo dib loo sii daayay markii lagu waayay eedeymaha loo soo qabtay marka laga reebo Sarkaalka isagu Qirtay inuu Xili la shaqeyn jiray Xarakada Al-Shabaab,

 

 

540 total views, 9 views today

Total Views: 540 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful