Templates by BIGtheme NET

Madaxweynihii hore oo ka hadlay dilka wasiir Cabaas Siraaji

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray dhambaal tacsi ah oo uga hadlayo dilkii caawa Muqdisho loogu geystay Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumada Fedraalka Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun. EEBBE ha naxariisto Wasiirkii Howlaha Guud, ahaana Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Marxuum Cabaas Siraaji oo caawa fiidkii lagu dilay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, samir iyo Iimaan Allah ha inaga wada siiyo, Jannadii Firdowsana EEBBE haka waraabiyo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Marxuum Cabaas ka mid ahaa Xildhibaanada dhallinyaradii uu aad ugu farxay markii ay ka mid noqdeen Baarlamaanka sannadkii tegay ee 2016.

“Marxuum Cabaas, wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada markii ay ku soo biireen Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka sannadkii tegay ee 2016 aan aad ugu farxay inay siyaasada ku soo biiraan”ayuu yiri

Isagoo sii hadlayay ayaa yiri ” Marxuumka, wuxuu astaan u ahaa soo kabashada Soomaaliyada cusub. Aad iyo aad baan u aaminsanahay in dhallinyaradu tahay dadka kaliya ee soo celin kara midnimada iyo Qarannimada ummada Soomaaliyeed, sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa in ay sii xoojiyaan ka qeyb galka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed”

Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji ayaa caawa fiidkii lagu dilay afaafka hore ee Madaxtooyada, xilli uu watay gaari yar, waxaa rasaas ku furay gaari ciidan oo ay la socdeen Ilaalada Hanti dhowrka Guud.

306 total views, 3 views today

Total Views: 306 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful