Templates by BIGtheme NET

Wasiir Caan ah oo ku guuleestay in uu kamid Noqdo Xubnaha Aqalka Hoose (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw soo gabo gabowday doorashadii labaad ee lagu dooraayay xubanha u tartamayay kamid noqoshada aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaana kursigan ku tartmayay Sadex Musharax oo kala ah Mahad Maxamed Salaad, Cabduqaadir Cali Diiriye iyo Cabdifitaax Cabdulaahi Nuur , waxa ayna Musharixiintan kasoo jeedaan Beesha Ceyr Waqooyi Haba Gidir.

Waxaana Doorshada ugu dambeyn ku Guuleestay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Xildhibaan Mahad Maxamed Slaaad oo helay Codad gaaraya 40-cod halka Musharax Cabduqaadir Subxaanyo uu helay 10 Cod ,musharaxa kale ayaa helin wax cod ah , waxaana halaabay hal cod..

Mahad Salaad ayaa horey loo saadaalinayay in uu ku guuleesanayo kamid noqoshada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uuna Mahad Xubin muhiim ah ka yahay Kooxda Damul Jadiid ee lagu xanto in talada dalka gacanta ku hayaan xiligan.

Waxa asidoo kale goordhaw la filayaa in magaalada Cadaado lagu doorto Xildhibaanka Sadexaad waxaana ku tartamaya Labo Musharax oo kasoo kala jeeda Beesha Madhibaan kuwaa oo lagu kala magacaabo Qaasim Maxamed Jaamac iyo Cabdirisaaq Cabdulaahi Jaamac.

657 total views, 9 views today

Total Views: 639 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful